26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Shirka Madaxda Soomaalida & Caalamka uga furmay magaalada London oo lasoo gabagabeeyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online)-Waxaa lasoo gabagabeeyay shirka Madaxda Qaranka, Hogaamiyayaasha maamulada iyo Beesha Caalamka uga furmay magaalada London.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo dhaqaalaha, iyadoo qodobo muhiim u ah Somalia ay kasoo baxeen shirkaasi oo marti gelineysay dowladda Ingiriiska.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres, madaxda qaar ka mid ah dalalka deriska, iyo wakiilada dalal kale iyo urur caalami ah.

Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadashay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto masu’uuliyadda ammaankeeda.

Madaxdu waxa ay isla garteen in Somalia ay u baahan tahay in garab lagu siiyo dib ula soo laabashada Amnida iyo Dhaqaalaha, waxa ayna si wada jira ugu baaqen in Somalia garab lagu siiyo xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in inkasta oo Soomaaliya horey loogu qabtay shirar badan, haddana shirkan uu kaga duwan yahay kuwii hore in waqtigan Soomaaliya ay joogto “xaalad aysan marnaba dib u laaban doonin”.

Waxa uu sheegay in dowladdiisa ay ka dhabeyn doonto ladagaalanka saddexda cadow ee Soomaaliya ay leedahay, sida uu yiri, kuwaas oo kala ah, “argagixisada, musuq-maasuqa iyo saboolnimada”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

”Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii” ayuu yiri madaxweynaha.

Xoghayaha guud ee QM, Antonio, Gutteres, oo shirk aka hadlay, ayaa ku baaqay in 900 milyan oo dollar loogu kaalmeeyo Somalia si abaarta wax looga qabto.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May, waxay sheegtay in ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.

Nuqul kamid ah hadalkeeda ayaa ahaa” Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa”.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 400 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 222,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.

Waxaa lagu wadaa in dhammaan Madaxda la marti galiyay iyo Dowlada Britain ay si wada jira usoo saaran War-murtiyeed lagu qeexaayo natiijada kasoo baxday Shirka.

- Advertisement -

Read more

Local News