Sawirro: Shirka Puntland oo maanta furmay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Shirweynaha wadatashiga Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya ku dhowaad 500 oo ruux oo isugu jira mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad goboleed, bulshada rayidka iyo dhaqanka.

Sidoo kale shirka ayaa wuxuu socon doono muddo saddex cisho ah, iyadoo khudbado kala duwan ay ka jeedin doonaan xubnaha lagu casuumay madashadaasi oo uu horay u iclaamiyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni).

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo maalmihii u dambeeyey ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ee magaalada Garoowe.

Puntland ayaa sheegtay in shirkaani ay uga tashan doonto aayaheeda dambe, balse waxaa lagu soo aadiyey, xilli uu khilaaf kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.