Wasaarada caafimaadka DF oo war cusub kasoo saartay xaaladda Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir ay iskugu yimaadeen hey’adaha Qaramada Midooday, deeq-bixiyaasha, hey’ado dhowr ah oo heer caalami ah iyo wasaaradaha ay khuseyso arimaha ka diyaar garowga Coronavirus.

War kasoo baxay wasaaradda caafimaad ayaa lagu sheegay in shirkaas diiradda lagu saaray ka hortaga iyo la tacaalidda caCoronavirus, iyadoo qoraalka wasaaradda lagu xusay in looga hadlay kiisaskii la xariiray cudurkaas ee ka soo cusboonaaday dalalka deriska la ah Soomaaliya, sida Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale qoraalka caawa kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu xusay seddaxda qodob ee ugu muhiimsanaa shirkaas kuwaas oo kala ah.

1- In Wasaaraddu ka war bixiso dadaallada socda.

2- In laga wada hadlo caqabadaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa, iyo

3- In la xoojiyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada kala duwan ee socda.

Wasiirka caafimaadka Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay markii lasoo gaba-gabeeyey shirkaas ayaa sheegtay in markii cudurkaan lagu arkay dalalka deriska la ah Soomaaliya ay khasab noqotay in wasaaraddu ay iskugu yeerto wasaaradaha ay khuseyso arintan iyo hey’adaha taageera Soomaaliya, si wax la iskaga weydiiyo arrimaha Coronavirus.

Sidoo kale wasiir Fowziyo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dalbatay in la yareeyo isku socodka iyo safarrada, isla markaana meelaha lagu kulmo iyo shirarka aad loo yareeyo, hadii laga maarmi karana la iskaba joojiyo.

Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ay u xaqiijineyso in kiis la xariira Coronavirus aan weli dalka lagu arkin.

Ugu dambeyntii wasiir Fowziya Abiikar ayaa xubnihii kasoo qeyb galay shirkaas looga hadlayey xaaladihii ugu dambeeyey ee Coronavirus u mahad celisay, waxeyna ka dalbatay in lasii laba jibaaro dadaalada socoda, sibey tiri loo badbaadiyo bulshada.