ARRIN halis ku ah dalka oo aysan ka warqabin DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dunidu waxay si mideysan ula tacaaleysa xanuunka Coronavirus, kaas oo galaaftay nolasha kumanaan qof halka uu soo ritay kumanaan kale.

Wadamo badan ayuu gaaray waxaana xanuunkaas uu saameeyay muwaadiniinta dalal waa weyn oo leh awood dhaqaale iyo mid kalaba, hase yeeshee hadda waxa uu soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ka warqabin halis kusoo wajahan dalka, taas oo looga baaqsan karo oo kaliya midnimo iyo wadatashi.

Arrinta aysan ku baraarugsaneen dowladda iyo maamul goboleedyada waa in aan waxba laga qaban karin Coronavirus, islamarkaana aan laga hortagi karin cudurkaan haddii aan loo helin siyaasad mid ah iyo wadashaqeyn dhaxmarya dowladda federaalka iyo maamulada.

“Iyadoo aan la helin siyaasad mid ah oo looga hortago arintaan dalka waxa uu ku jiraa xaalad halis ah” ayuu yiri Dr Liibaan Mohamed oo aqoon yahaan bartay culuumta siyaasadda.

“Inta siyaasad iyo khilaafka meel la iska dhigo waxaa ku talinayaa in guddi qaran la sameeyo kana qeyb qaataan dhamaan maamulada iyo wasaaradaha caafimaadka hadii ay dhici weyso waxaa muuqata halis weyn oo dhib badan sababi karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Liibaan.

Khilaaf culus ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya maamulada qaar, mana jirto wax wadashqeyn ah oo dhaxmarta dhinacyada iyadoo ay jirto xaalad walaac oo ay qabaan adduunka oo dhan.