Sawirro: Side toogashadii Munich loo soo geba gebeeyey (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan dadka ku nool magaalada Munich ee Dalka Jarmalka qof hubeysan ayaa weerar ku qaaday Suuq ku yaalla magaalada Munich ee koofurta dalka Jarmalka.

Wakhtiga kooban ee uu weerarka socday waxaa dhamaan istaagay gaadiidkii dadweynaha, waxaana shacabka loogu baaqay inay guryahooda ku sugnaadaan oo aysan usoo bixin goobaha dadweynuhu ku kulmaan.

Dhowr qof ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen kuna dhaawacmeen kadib markii booliiska Jarmalka ay xaqiijiyeen in toogasho ay ka dhacday xarun lagu dukaameysto oo ku taalla magaalada Munich.

Warbaahinta Jarmalka waxa ay xaqiijisay in weerarkaasi lagu dilay 9 ruux, iyadoo sidoo kale lagu dhaawacay 16 kale oo gabi ahaan u badnaa dad shibil ah.

Ruuxa weerarka fuliyay ayaa lagu sheegay in uu ahaa 18-jir kasoo jeeda dalka Iran balse haysta dhalashada Jarmalka.

Weerarka kadib ayuu is-toogtay ruuxan, waxaana meydkiisa laga helay meel u jirta 1 km goobta uu weerarka ka fuliyay, sida ay Saraakiisha Booliska u xaqiijiyeen warbaahinta.

Saraakiishu waxa ay intaa kadib ku dhawaaqen in lasoo afjaray weerarkii ruux hubaysan uu ku qaaday goob ganacsi oo ku taal magaalada München ee dalka Jarmalka.

Illaa iyo hadda ma cadda cidda mas’uulka ka ah toogashadan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Jarmalka1

Jarmalka2

Jarmalka3

Jarmalka4

Jarmalka5

Jarmalka6

Jarmalka7

Jarmalka8

Jarmalka9

Jarmalka10

Jarmalka11

Jarmalka12

Jarmalka13

Jarmalka14

Jarmalka15