Sawirro: Degmada Gaalkacyo oo maanta yeelatay maamul cusub

Muqdisho (Caasimada Online)-Degmada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa waxa ay maanta yeelatay Guddoomiye iyo Ku-xigeen cusub kadib markii 31-ka xubnood ee Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ay maanta doorasho ku dhaqaaqen.

Xubnahaasi ka kooban 31-ka ayaa Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo u doortay Maxamuud Yaasiin Axmed, kadib markii uu helay tirada ugu badan codadka xubnahaasi.

31-ka xubnood ayaa sidoo kale doortay Guddoomiye ku-xigeen waxa ayna xilkaasi u doorteen Farxaan Cabdi Gaafaa.

Madasha ay doorashada ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa labada Guddoomiye ugu baaqay inay ka fogaadan cadaaladarida, waxa uuna ka digay in maamulka ay hogaamin doonaan ay qaabab khaldan u adeegsadan.

Geesta kale, Gaas waxa uu sidoo kale maamulkii hore ugu baaqay inay la shaqeeyan maamulka cusub.
1

2

3

4

5

6

7

8

9