QM oo digniin culus u dirtay DF iyo Puntland (Arrin cusub oo jirta)

Nairobi (Caasimada Online) – Digniin kasoo baxday Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, Leila Zerrougui ayaa waxaa loo jeediyay DFS iyo Maamulka Puntland.

Leila Zerrougui ayaa dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulka Puntland uga digtay inay marin habaabiyaan Carruurta yaryar ee ku dhex nool goobaha ay ka jiraan colaadaha hubeysan.

Leila Zerrougui waxa ay sheegtay in DFS iyo Puntland ay si dhaamaan xiligii hore, balse ay wali wadaan talaabooyinka ay ku adeegsanayaan Carruurta colaadaha Somalia ku dhex nool.

“Waa in si gaar ah loogu danqadaa carruurta haddii ay qaarkood cabsi ka qaadaan dagaalada loo fidiyaa dawooyin wax tar u leh” waxaa tirri Leila Zerrougui.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hawlgalka QM ee Somalia, ayaa waxaa lagu sheegay in DFS iyo Maamulka Puntland ay ilaa xad muujiyeen la dhaqanka Carruurta dhibanayaasha ah ee ku dayacan dalka, balse ay xiliyada qaar yihiin kuwo qaabab khaldan u adeegsada Carruurta iyaga oo eegaaya danahooda gaarka ah.

Waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii ay DFS iyo Maamulada dalka u xaqiijin lahaayeen arrintaasi, waxayna carrabka ku dhufatay inay QM taagereri doonto Mashruucooda.

Leila Zerrougui, waxa ay ka digtay in la faquuqo carruurta u nugul cabsida waxa ayna ka digtay in la marin habaabiyo deeqaha loogu tallo galay.

Digniinta iyo Baaqa kasoo baxay Xafiiska Leila Zerrougui, ayaa waxaa lagu sheegay inay u baahan tahay ku dhaqan, iyadoo sidoo kale dowlada Federaalka ah looga digay inay ku tagrifasho xuquuqda Carruurta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com