Doorashada 2016 oo arrin cusub ay kusoo korartay lana sheegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo xubin ka ah Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somalia, ayaa shaki adag ka muujiyay in doorashada dalka ay dhacdo wakhtigeeda xili ay dadku yihiin kuwo ka dhowr sugaaya dowlada Somalia.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in walaac uu ka qabo in doorashada Somalia ay noqoto mid gabi ahaanteeda la ilaawo, waxa uuna sheegay in dhibta ugu badan ee iminka jirta ay tahay in Jadwalka doorashada uu yahay mid sii nuxuusaaya oo ugu danbeyntii isku bedela mid aan waxba ka jirin.

Waxa uu sheegay in sababta ugu badan ee loo hirgalin la’ yahay Jadwalka doorashada ay tahay micno u baahan in la fahmo oo meesha ku jira, waxa uuna cadeeyay in qaabka ay hadda wax u socdaan ay tahay mid muujineysa inaanu dhici karin doorashada la filaayo in dalka ay ka dhacdo.

“Waxaa jira walaac badan oo ka dhashay jadwalkii loo dajiyay doorashada dalka, jadwalka oo socon la’ aawgii waxaa soo degdageysa in doorashada dalka ee lagu ballamay in wakhti hore loosii guda galo ay u muuqato mid aan dhici doonin xiligeeda”.

Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil, waxa uu sheegay inaanu jirin sabab dowlada Federaalka ah ee Somalia ka mamnuuceysa inay dib u dhigto doorashada dalka, balse loo baahan yahay in laga wadatashto dib u dhacaasi.

“Anigu maqabo in dowlada Somalia ay caqabado kala kulmikarto dib u dhac ku imaada doorashada, waxaase ka wanaagsan in dib u dhacaasi leysugu yimaado kulan looga wada hadlaayo”.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil waxa uu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay inay la imaado dadaalo ay ku qancineyso Hay’adaha kale ee ka tirsan dowlada kuwaasi oo Heshiis lagula galay xiliga ay dhaceyso doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com