Kenya oo aqoonsiga Somaliland ku beddelaneysa ganacsi cusub

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa wada qorsho ay ku hantineyso ganacsiga qaadka ee iminka ka socda deegaanada maamulka Somalia, gaar ahaan magaalada Hargeysa oo lagu iibiyo keliya qaadka laga keeno dalka Ethiopia.

Peter Munya oo ah Guddoomiyaha Gobalka Meru, oo dhawaan socdaal shaqo ku tagay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu Wasaarada Arrimaha dibadda Kenya usoo bandhigay in dowlada Kenya ay aqbasho in Qaadka Kenya loo iibgeeyo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Mr Peter Munya, waxa uu Wasaarada u sheegay in maamulka Somaliland uu kala hadlay in qaadka loo iibgeeyo magaalada Hargeysa, balse Wasaarada looga baahan yahay inay aqbasho ganacsigaasi dibadda khuseeya.

Peter Munya waxa uu intaasi ku daray in Qaadka lagu iibiyo Suuqyadda Somaliland uu qiimihiisu dhana 400 million oo Dollar sannadkiiba, iyadoo 99% Qaadkaasi laga keeno wadanka Ethiopia.

Peter Munya, waxa uu sheegay in dowlada Kenya ay dhaqaale ka abuuri karto hirgalinta ganacsiga qaadka ah ee loo iibgeynaayo magaalada Hargeysa, waxa uuna tilmaamay in halkaasi uu ka dhalankaro loolan dhanka ganacsiga ah oo u dhexeyn doona labada dal.

Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya waxa uu intaa raaciyay inuu la socdo in shucuubta Somaliland ay aad u jecel yihiin Qaadka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku taliyay in dowlada Kenya ay magacowdo Guddi Farsamo oo soo qiimeeya qaabka loo aqoonsan karo Somaliland, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu soo jeediyay in aqoonsiga maamulka Somaliland ay dowlada Kenya ku bedelato iibgeynta qaadka, isaga oo guul ku sheegay haddii ay dhacdo wadaxaajoodka labada dhinac.

Dhanka kale, qorshahaani cusub waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan Madaxweynaha Somalia uu ku dhawaaqay in dowladiisu ay joojin doonto qaadka kasoo dega Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com