Axmed Madobe oo xiisad & carro cusub ku abuuray beesha Sade

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubba Maxamuud Sayid Aadan iyo wafi la socda ayaa shalay gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, isagoo socdaalkiisu la xiriiro muran ka taagan maamulada degmooyinka Gobolka Gedo.

Maxamud Sayid Adan oo qeyb ka ahaa murankii ka taagnaa Gobolka Gedo ee looga horjeeday Axmed Madoobe ayaa hadda gacan ka geysanaya in xaalada Gobolka Gedo la xaliyo.

Xaalada Gobolka Gedo ayaa ka sii dartay markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Gedo kaasoo lagu magacaabo Maxamed Muxumad Aadan.

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed oo isaga laf ahaantiisa Axmed Madoobe xilka u magacaabay si muran ku jiro ayaa iska diiday inuu xilka wareejiyo, waxayna Gedo u muuqataa inay weli dhibaato ku tahay Axmed Madoobe.

Wafdiga Maxamud Sayid Aadan waxaa ka mida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Jubba iyo xubno ka socda IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com