Fethullah Gulen oo Erdogan iyo dowladdiisa usoo diray farriin

Ankara (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan uu tuhun ka qabo wadaadka lagu magacaabo Fethullah Gulen ee ka danbeeyay Afganbigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa waxaa Xafiiska Madaxweynaha dalkaasi soo gaaray dhambaal cusub oo kaga imaaday dhanka Fethullah Gulen.

Dhambaalkaani cusub ee uusoo diray Fethullah Gulen, ayaa waxa uu fajac galiyay Madaxweyne Erdogan, kadib markii eedeysanahaasi uu fakir usoo jeediyay Erdogan iyo dowladiisa.

Fethullah Gulen, waxa uu dhambaalkiisa ku sheegay in dowlada Turkiga looga baahan yahay inay gacan bir ah ku qabato canaasirta lagu tuhmaayo Inqilaabkii fashilmay, waxa uuna sidoo kale sheegay in shaqsi ahaantiisa uu qabo in dadkaasi lagu rido xukuno aan kasoo laabasho laheyn.

Fethullah Gulen, waxa uu Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ugu baaqay la xaqiijiyo waxa sababta u ah in Kooxo tiro iyo tayo yar ay isku dayaan inay Inqilaabaan dowlada iyaga oo u xuub siibanaaya in Turkiga uu galo gacan shisheeye.

Fethullah Gulen, waxa uu sidoo kale, Erdogan ugu baaqay in dowladiisa ay laba jibaarto baaritaanka wuxuuna kadigay in la fududeysto baaritaanka socda.

Fethullah Gulen, waxa uu dhambaalkiisa raaciyay in haddii ay suuragal tahay baaritaanka socda lagu biiriyo dowladaha khibrada u leh howlaha ceynkaasi ah ee ka dhaca dunida.

Dhambaalka Fethullah Gulen, ayaa fajac galiyay Madaxweyne Erdogan, waayo waxa uu filaayay in Fethullah Gulen uusan xiriir lasoo sameyn karin dowladiisa, balse waxa uu ka gudoomay dhambaal uusan fileynin.

Dhanka kale, Fethullah Gulen, ayaa isaga isku muuqaal ekeysiinaaya sida qof kamadax-banaan Tuhunka loo jeedinaayo, waxa ayna tani ku micna tahay siyaasadaha cusub oo ay adeegsadaan kuwa qalqal galiya nabada.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
Caasimada@lie.com