Digniin adag oo Somaliland loo jeediyay iyo odayaal dagaal isku…

Dhahar (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ku nool gobolka Sanaag ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga hadleen dagaaladii ugu dambeeyay eek a dhacay gobolkaasi ee u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Odayaasha oo deegaan ahaan kasoo jeeda Sanaag ayaa digniin u diray maamulka Somaliland oo ciidamada Puntland kula dagaalamaya deegaan ku yaala duleedka magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Odayaasha dhaqanka ee ku kulmay Sanaag ayaa sheegay in Somaliland ay kusoo duushay deegaanada dagaalada ay ka dhacayaan, islamarkaana masuuliyada khasaaraha ay qaadayaan Somaliland.

Nabadoon Cabdi Maxamed oo ka mid ah waxgaradka kulmay ayaa sheegay in markaan wixii ka dambeeya aanay gacmaha laaban doonin oo ay iska difaaci doonaan ciidanka Somaliland.

“Waxaan leenahay Somaliland nagala baxa ciidankiina waliba si nabad ah u baxa, haddii aad bixi weysaan wixii dhaca idinka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Nabadoonka.

Ciidamo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sanaag, welina waxa ay ciidankaan kala wadaan dhaq dhaqaaqyo.

Caasimada Online
Xafiiska Sanaag
Caasimada@live.com