Sawirro: Socdaalka Fiqi ee Turkey

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo maalmihii la soo dhaafay safar ku joogay dalka Turkiga ayaa waxa uu indha indhayn uu ku tagay safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

Wasiirka oo ay la socdeen Xubno kale oo ay ka midyihiin Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamaal Baroow ayaa waxay gaareen Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara.

Fiqi (1)Waxaa halkaas wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oouu garab fadhiyo xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga C/qaadir Maxamed Nuur.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa ku tilmaamay howsha safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay u hayso Umada Soomaaliyeed mid ka wayn wixii ay qaban lahaayeen 10- safaaradood oo caalamka ugu yaal Soomaaliya.

Fiqi ayaa ku tilmaamay shaqada uu hayo Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan mid wax badan qabtay.

Fiqi (2)Waxa uu ku amaanay Wasiir Fiqi in safaarada Soomaalida ee Turkiga ay wado Howlka wayn intii ay qaban lahayd, waxa uuna amaan u soo jeediyay shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu sheegay in ay yihiin kuwa u dhabar adeegay howsha.

“ waxaan Oran karaa howsha safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay wado waa mid muhiim ah, waxaana la dhihi karaa Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan wax badan ayuu qabtay intii uu soo gaaray safaarada ama ay shaqa bilaawday”ayuu yiri Wasiirka oo ku tilmaamay mid wax qabatay safaarada.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka lagu wado in uu la kulmo Jaaliyada Soomaaliyeed iyo ardayda wax ka barato Jaamacadaha ku yaal Turkiga.

Fiqi (3)Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada Drs. Maryan Qaasim oo maalmo ka hor ku tagtay safarc shaqo dalkaasi Turkiga ayaa sheegtay in safaarada Soomaaliya ee Turkiga ay wax badan qabatay ayada oo amaan u soo Jeedisay safiirka Soomaaliya ee Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo shaqaalaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ay sheegtay in ay wadaan adeegyo muhiim ah.

Ugu danbayntiii Wasiirada Booqday dalkaasi Turkiga ayaa ku amaanay howlaha safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu wado Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan kuwaas oo sheegay in uu dhaqaajiyay Xiriirka labada dal iyo adeega Soomaalida ku Nool halkaas.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com