Sawirro: Somtel oo Muqdisho kusoo bandhigtay adeegyo aan dalka horey uga jirin

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo casri ah oo kala KAABE & KAYDSO Kuwaasoo ahmiyad gaar ah u leh bulshada soomaaliyeed

Munaasabada lagu soo bandhigayay adeegyada ayaa waxaa lagu qabtay hotel-ka Karmel iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta sare ee Somtel, Madaxda Dahabshiil group, Ururada bulshada rayidak, bahda waxbarashada, ururada dhalinyarada iyo maamulada isbitaalada muqdisho.

Adeeggga kaabe Waa adeegg u sahalaya macamiisha Somtel Inay Helaan amaah lacageed ayagoo isticmaalaya simcardka somtel kuna helaan eDahab ahaan.

Macaamiilku waxa uu ku iibsan karaa Amaah-da uu qaatay Kaarka (Prepaid), Internet Data. Sidoo kale waxuu Amaahda waxuu u isticmaali karaa Cash ahaan.

Macamiilku waxa uu amaahan karaa lacag dhan ($1- $100) iyadoo laga doonayo inuu mudo Todobaad ah ku bixiyo, wax khidmad oo dheeri ahna malaga qaadayo. Macaamil si aad u fuarato KAABE fadlan garaac *900#

Sidoo kale shirkaddu Waxa ay xarigga ka jartay adeegga KAYDSO oo u sahlaya macaamiisha somtel inay ku keedsadan karaan dhigaalkooda lacageed simcardkooda Somtel.

Macaamiilku waxuu dooran karaa mudo dhigaalkiisa (3 bilood, 6 bilood iyo 12 bilood) asagoo aan la bixin karin dhigaalkiisa ilaa iyo laga gaaro xiliga uu doortay. Si aad u furato adeegga KAYSO fadlan garaac *232#

Labadaan adeegg ayaa wax badan ka tari doona baahida macaamisa somtel iyagoo uga faa’ideysan kara baahidooda adeegeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee shirkadda somtel soo kordhiso adeegyo cusub Waxaa xusid mudan in shirkaddu u tagaantahay in mar walba la wadaagto bulshada soomaliyeed adeegyo cusub oo casri ah.