Ujeedka kulankii ay xubnaha Midowga Yurub la qaateen madaxweyne Deni + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa  goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada.

Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho.

Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta.

Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho,  si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.