CC Shakuur oo shaaciyey sida ay beesha caalamka wax u waddo (Daawo)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay taageereyso madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay Beesha Caalamka la safan tahay Villa Somalia, islamarkaana ay la shirayaan mas’uuliyiin sharciyad aan heysan.

“Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

“Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa dibedbax nabadeed Jimcaha soo socda. Farmaajo wuxuu na kala dooransiinayaa diktatooriyad iyo dagaal sokeeye. Ummadii kale way diidday, innaguna waxaan ku diideynaa dibedbax nabadeed iyo dadkeena u suuragelinaya oo aan kala soo harno.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka.”

Muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February ee sanadkaan, siyaasiyiinta mucaaradka ayaana sheegay ineysan kadib wakhtigaas madaxweyne u aqoonsaneyn.

Sidoo kalana dowladda Soomaaliya waxey sheegtay in Farmaajo uu xilka sii heynayo inta la dooranayo maamul cusub oo badala, mana la oga wakhti ay doorasho dhici doonto ilaa iyo hadda.

Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdishakuur