Cabdiraxmaan Caynte oo sheegay waddo ‘uu hubo’ inuu Farmaajo ‘qaadi doono’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal kasoo saaray xaalada cakiran ee dalka iyo dimuquraadiyadda curdinka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u xasuusiyay ‘in afar sanno ka hor maanta oo kale loo caleemo saaray kursiga uu maanta ka degi laayahay’.

Waxa uu sheegay in qaabkii xiligaas xilka loogu wareejiyay Farmaajo uu ahaa mid muujinaya dib usoo kabashada Soomaaliya iyo hanaqaadka nidaamka dimuquraadiga ah ee dalkeena, balse ay nasiib darro tahay inuu madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday uu hareer maro.

“Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka,” ayuu yiri Caynte.

Caynte ayaa waxa uu Farmaajo ku tilmamay mid kursi jaceylku kala qiimo batay bed-qabka dalka iyo dadka, maadama uu xaalad xasaasiya marayo dalka, ayada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xaalada taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Caynta;

Bismillah,

Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo  inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay. 

Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka. 

Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalitaliyeyaal badan. 

Wabillahi Towfiiq.