Muxuu James Swan ku sheegay warbixintii uu u gudbiyey Golaha Ammaanka?

New York (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

Dhinaca kalena, wakiilka dawladda Maraykaka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha, ayna taasi tahay tan ugu degdeg badan inay nabadda ku hormariyaan. 

Waxa uu sheegay in hubanti la’aanta ka taagan dorasada ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii qaran. Wakiilka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaaqooyinka ka dhacay waddoonka Muqdisho ay yihiin tusaale ugu dambeeyey inay ka iman karto halis ah in waddanku deganaansho la’aan galo. Waxa uu sheegay in Maraykanku ay kasoo horjeedaan gacan ka hadalka.

Waxa uu ugu baaqay dawladda federraalka iyo madaxda maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga syaasadeed taasi oo sheegay inay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya