Zwolle (Caasimada Online) – Kulan weyn oo dadweyne ayaa lagu qabtay magaalada Zwolle, kaas oo ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Nederlaan iyo dalalka deriska la ah. Kulanka ayaa lagu weynaynayay maalmaha xorriyadda, gaar ahaan 66-guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanida Soomaaliya ee 1-da Luulyo, waxaana lagu muujiyey midnimada, wadajirka iyo taageerada dowladda Soomaaliya.
Shirweynahan, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Jaaliyadda SFON iyo hay’adda Kardo Aid, waxaa ka qaybgalay haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan, ururrada bulshada, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Brussels, Mudane Cabdiqani, iyo wafdi uu hoggaaminayay. Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen, oo ka tirsan xisbiga PRO kana tirsan Golaha Deegaanka degmada Nijmegen.
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha SFON, Cabdikaadir Cali Nuune, oo u mahadceliyey dhammaan martidii ka soo qaybgashay. Wuxuu sidoo kale ammaan iyo mahadnaq ballaaran u jeediyey mutadawiciintii iyo qabanqaabiyayaashii suurageliyey qabsoomidda kulanka.
Guddoomiye Nuune ayaa khudbaddiisa kaga hadlay taariikhda xorriyadda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in madaxbannaanida dalka lagu helay geesinnimo, naf-hurnimo iyo halgan dheer oo ay soo galeen awoowayaasheen. Wuxuu ka qaybgalayaasha ugu baaqay inay taariikhdaas qayb ka dhigaan noloshooda, sii xusaan naf-hurnimadii halgamayaashii xorriyadda, isla markaana mar walba u istaagaan midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Brussels, Mudane Cabdiqani, ayaa isna bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey 66-guurada madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu maamulka SFON ku bogaadiyey sida heerka sare leh ee ay u soo qabanqaabiyeen kulanka.
Waxa uu sidoo kale adkeeyey in Safaaradda Soomaaliya ee Brussels ay muhiimad weyn siinayso iskaashi wanaagsan oo dhex mara safaaradda, bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan iyo Ururka SFON.
Marwo Ruqiyo Caddoow, oo ka mid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee Nederlaan, ayaa jeedisay khudbad dhiirrigelin leh. Waxay ka qaybgalayaasha ugu baaqday inay gacan ka geystaan dib-u-dayactirka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Brussels.
Cali Waare, Muuse Xirsi, Maxamed Gure iyo Cabdiqa Nuur Heeled, oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed, ayaa iyaguna muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin dadaallada SFON iyo kaalinta uu ururku ka qaadanayo isku xirka bulshada. Waxay ururka uga mahadceliyeen soo qabanqaabinta dabaaldegga guusha ku dhammaaday.
Dabaaldegga waxaa qayb ka ahaa ciyaaro iyo bandhigyo dhaqameed Soomaaliyeed oo ay soo bandhigtay fannaanadda Yurub Geenyo, iyo sidoo kale is-dhexgal ballaaran oo dhex maray xubnaha bulshada.
Kulanka ayaa guud ahaan ka tarjumayay xiriirka adag, midnimada iyo wadajirka ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Nederlaan.


