Sawirro: Soomaalida ku nool Nairobi oo $500,000 ugu deeqay fatahaadaha

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa Shalay Magaalada NAIROBI gaar ahaan Xaafadda Islii lagu soo gabagabeeyay dhaqaale Uruurin maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka kenya.

Kulankan oo ay gogosheeda lahaayeen maamulka Shirkadda Maalin Group of companies ayaa waxa uu maalmihii la soo dhaafay ka socotay magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii iyo hareeraheeda.

Culumo uu ka mid ahaa Sheikh Maxamed Cabdi Umul oo Gudoomiye u ahaa gudigaas is xilqaamay ayaa goobta ka hadlay, waxaana mas’uliyiintii ka soo qeyb gashay ka mid ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Tarsan.

Shukri Afrah oo ah hormuudkii haweenkii is xilqaamay ee u istaagay dhaqaale soo aruurinta dhinaca Haweenka ayaa halkaasi ka sheegtay in ay Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi iyo kuwa Dibada kala soo xiriiray ay si aad ah uga qeyb qaateen Tabarucaada dhibatadii ka dhacday Hiiraan iyo Gobolada kale ee Dalka.

“ Waxaan aad ugu mahad celinayaa shirkadda Maalin Group of companies  oo noo dhigtay gogoshaan aan iskugu imaanay iyo  culumada, Ganacsatada, dhalinyarada Haweenkii howshaan ka qeyb qaatay iyo Saxaafada” ayay tiri Shukri Afrah oo halkaas ka sheegtay dhaqaalihii ay ka soo aruurisay Haweenka Soomaaliyeed ay ku wareejiyeen Culumada.

C/qaadir Shiikh Muumin oo ah Gudoomiyaha Xawaaladda Amaana Ex Press  ee Geska Afrika ahaana shaqsigii wakiilka u ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Tawnka Dhaqaalaha ka soo aruuriyay ayaa halkaas ka hadlay.

“ Waxaan ku Wareejinayaa culumada uu ugu horeeyo Sh. Umul iyo dadkii soo abaabulay Gurmadkan dhaqaale gaaraya ilaa 80-kun oo Dollar, oo ay soo aruuriyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada Nairobi gaar ahaan Tawnka, waxaana ku Wareejinay dhaqaalahan oo ay ii soo wakiisheen Ganacsatada  Magaalada Nairobi qeybteeda Tawnka.

Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalahan uu gaarayo dadkii loogu tala galay ugu danbeyn illaa iyo Arbacadam, halkaasna waxaa lagu magacaabay Guddi gaaraya ilaa 9 Xubnood oo isugu jira, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Safaaradda Somalia.

Ugu danbayn dadkii halkaas isugu yimid ayaa amaan iyo duco u soo jeediyay Shirkadda Maalin Group of companies oo lahayd Maskaxdii ka danbaysay in gogoshaan la dhigo, waxaana lagu amaanay shirkadda Maalin Group of companies howsha culus oo ay u hayso Bulshada Soomaaliyeed.

Masjidyada Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ayaa ka mid ah meelaha lacagahaan gaaraya Shanta boqol oo kun oo Dollar si gaar ah looga aruuriyay.

Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa dhiibtay lacag gaareysa 5000 (Shan kun oo Dollar)  oo aad uga yar inta ay dhiibeen shaqsiyaad goobta joogay, xilli safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay soo gasho dhaqaale kala duwan.