Sawirro: Soomaaliya oo si rasmi ah maanta ugu biirtay Midowga Ururada (OACPS)

Brussels (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ugu biirtay waddamada qeybta ka ah heshiis iskaashi wadaag oo dhex-mara xubnaha ururka Africa oo qeyb ka ah Midowga Yurub (EU).

Munaasabad ka dhacday xarunta ururka Africa ee Brussels ayaa waxaa heshiiskaasi ku saxiixay Danjiraha Soomaaliya ee dalalka la isku yeraado Benelux iyo Midowga Yurub, Ambassador Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde).

Heshiiskan ayaa dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya Africa iyo Midowga Yurub.

Labada dhinac ayaa waxay isaga kaashan doonaan nabadda iyo amniga, hormarka bulshada, kobaca dhaqaale, xuquuqul insaanka iyo horumar waara oo loo dhan yahay.

Heshiiskan ayaa waxaa loo yaqaan “The Samoa Agreement” wuxuuna dejin doonaa qaab-dhismeed sharci oo dhamaystiran ee u dhaxeeya (OACPS) iyo Midowga Yurub, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ku dhowaad $5 bilyan laga cafiyay.

Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan lagu laheyn wax deyn ah.