‘Yuu yahay’ – Xilligee ayey Soomaali ka bixi doonta?

Beledweyne (Caasimada Online) – Yuu yahay? Waa su’aasha koowaad ee ay Soomaali is weydiiso.

Dunida marka qof jago ama xil loo magacaabo waxaa la is weydiiyaa su’aalahan;

  • – Shaqada ma yaqaan
  • – Khibrad ma u leeyahay shaqada
  • – Howlkar ma yahay
  • – Ma yahay qof ku haboon xilka
  • – Ma leeyahay karti uu ku dardar geliyo howsha
  • – Ma yahay qof dhiiri geliya shaqaalaha uu madaxda u yahay
  • – Ma horumarin karaa hey’adda loo magacaabay, Iyo su’aalo badan oo ay is weydiintooda ku jirto danta dalka. Waa yahaye bal markaan u soo jeeso dalka.

Marka qof Soomaali ah loo magacaabo xil su’aasha ugu badan ee ay shacabka isku howlaan waa sidey u ogaan lahaayeen reerka uu yahay iyo cidda ka dambeysa in la magacaabo.

Iska daa wax kalee marka la yiraahdo mid naftii hallige ah ayaa is qarxiyay, waxaad maqli kuwo dhahaaya yuu ahaa iyo kuwo dhahaya dadka dhintay yey isugu jireen. Bal maxaa ka galay cidda uu Shabaab ka yahay? Malaha hadduu muhaligga ku reer noqdo wuxuu ka xumaanayaa inuu tolkii qof ka dhintay.

Annaga oo og khasaaraha uu qabiil noo geystay ayaan haddana isaga hari la’ nahay. Sow lama mid nihin kuwa isbitaalka waalida ku xareysan ee baaldiga salka ka daloola raba iney biyo ku dhaamiyaan si ay u buuxiyaan fuusto ayadana salka ka daloosha oo aan celineyn biyaha lagu shubo.

Dadka ugu fiyow Soomaaliya ee aan qabin cudurka yuu yahay waa wiilasha bajaajleyda ah ee aan kala jecleyn reerkaaga isla markaana sida daacadda ah kuugu adeegaya.

Anoo soo xiganaya hal qabsiga reer Puntland ee ah ku dayo Puntland ku dayo, ayaa waxaan leeyahay Soomaaliyey ku dayo bajajleyda ku dayo.

Haddey Soomaali u shaqeyso sida bajajleyda ee 24ka saac ordaya ee shaqeynaya ee aan wax shaqo ah ku lageyn “yuu yahay”, waxaan is leeyahay muddo labaatan sano ah gudahood wexeynu ka horumareynaa waddanka Mareykanka. Ku dayo bajaajleyda ku dayo.

W/Q: Cali Cosoble, Madaxweynihii hore ee HirShabelle