Sawirro: Mahad Salaad oo caawa qaaday tallaabo hadal-heyn badan abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa si lama filaan ah ku tegay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho xilli ay aad u camirneed.

Dad badan oo dhalinyaro ah ayuu xeebta ugu tegay Mahad Salaad, isagoo salaan la maray, kana xog wareystay xaaladaha amni ee magaalada.

Durbadiiba hadalheynta tallaabada uu qaaday Mahad Salaad ayaa qabsatay baraha bulshada, waxayna dadka Muqdisho aad u falanqeynayaan amniga caasimadda.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa dhif iyo naadir aheyd in la arko ama fagaarayaasha xasaasiga ah sida Liido uu tago Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya.

Hadal-heybta ugu badan waxay ka dhalatay kalsoonida uu qabay Mahad Salaad oo dadka dhexgalay, kuwaas oo sawirro la galay, sidoo kale waxay dadka qaar sheegayeen in uusan wadan ilaalo badan.

Amniga magaalada Muqdisho oo soo hagaagaya ayaa suurta gelay in madaxda ugu sareysa qaranka ay kalsooni ku tagaan goobo uu amnigoodu xasaasi ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Taliyaha NISA waxaa lagu amaanaa waqtiga uu geliyey sugidda amniga caasimadda, sidoo kale hey’adaha kale ee amniga sida booliska ayaa ammaan ku helay shaqada muuqata ee Muqdisho laga qabtay sanadkaan.

Liido ayaa ka mid aheed goobaha ugu weeararada badnaa Muqdisho waayihii amni darrada, sidoo kale waxaa habeen iyo galab kasta xeebta isugu tagta dhalinyaro badan oo jawi ku soo qaata xeebta, dadka Muqdisho ayaa aad u mahddinaya amniga caasimada oo soo hagaagaya.