Sawirro: Taliyaha Xoogga dalka oo gaaray Beledweyne iyo gaadiid dagaal oo…

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Odowaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif uga hortegay guddoomiyaha gobolka, Cali Jeyte Cismaan, saraakiil ka kala tirsan ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa garoonka Ugaas Khaliif uga qeyb-galay munaasabad kooban oo lagu qabtay, isaga oo hay’adda UNMAS kala wareegay gadiid iyo qalab ciidan oo loogu talagay ciidamada Xoogga dalka, qeybtooda 27-aad ee Hiiraan.

Ujeedka socdaalka taliye Odowaa ayaa la xiriira dhaqaajinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada HirShabelle, wuxuuna saraakiisha Xoogga dalka kala hadli doonaa, sidii loo dardar-gelin lahaa dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda halkaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Al-Shabaab ay abaabul xoogan ka wado gobolka Hiiraan, iyaga oo dhowan la wareegay degmada Matabaan, inkastoo ay dib uga baxeen.

Hiiraan ayaa waxaa haatan ka jira dhaq-dhaqaaqyo dagaal oo ay wadaan labada dhinac, taas oo cabsi horleh ku abuurtay dadka deegaanka.

Si kastaba, reer Hiiraan ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo is-biirsaday, waxaana ka mid ah xiisadda siyaasadeed ee Beledweyne, doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab.