Mareykanka oo farriin culus u diray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war cusub kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashooyinka ka socda dalka ee 2021, taas oo dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyey.

Mareykanka ayaa si gaar ah farriin ugu diray madax goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday inay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka dalka.

Qoraalkan oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay muhiim u tahay in xilligeeda lagu qabto doorashada oo aysan dib u dhicin markale.

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay safaaradda.

Horay Mareykanka ayaa qoraallo is daba joog ah uga soo saaray xaaladda doorashooyinka, wuxuuna jiray farriimo hore oo uu u diray hoggaamiyeyaasha maamullada dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa weli ka taagan dood xoogan, taas oo saameysay geeddi socodka doorashooyinka socda oo ay haatan cabasho xoogan ka keeneen xubnaha musharixinta mucaaradka oo eedeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Si kastaba, qoraalka cusub oo uu soo saaray Mareykanka ayaa kusoo aadayaa, xilli haatan maamul goboleedyada qaar ay bilabeen doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey Jubbaland oo soo saartay liiska musharixiinta xil doonka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii