Sawirro: Tigrayga oo soo bandhigay 6,000 askari oo laga qabsaday Ethiopia

Mekelle (Caasimada Online) – Kumanaan askar maxaabiis ah oo laga qabsaday ciidamada dowladda federaalka Ethiopia ayaa Jimcihii la marsiiyey waddooyinka magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray, ayada oo shacabkuna ay dhinacyada ka taagan yihiin oo mashxaradeynayaan. 

Sida uu qoray wargeyska New York Times, in badan oo ka mid ah askartan ayaa madaxooda hoos u raariciyey. Qaarkood ayaa lagu siday bareelayaal ayaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyo iyo dhiig.

Soo bandhigista maxaabiista ayaa looga dan lahaa in lagu beeniyo hadal uu Arbacadii jeediyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo sheegay in wararka ku saabsan in ciidamada laga adkaaday ay yihiin been, taa beddelkeedna ay ku dhowaaqeen xabad-joojin.

Ayada oo ay wehliyaan ciidamada Tigrayga, askarta maxaabiis ahaanta loo qabsaday ayaa afar maalmood lagu hayey xerooyin kahor inta aan waddooyinka lasoo marsiin Jimcihii.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael oo sideed bilood kadib dib ugu soo laabtay xafiiskiisa magaalada Mekelle, ayaa wareysi uu siiyey New York Times ku sheegay in ciidamadiisa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 6,000 oo askar Ethiopian ah.

Waxa uu sheegay in saraakiisha Tigrayga ay xiriir la leeyihiin hay’adda laanqeyrta cas, islamarkaana ay dhowaan sii deyn doonaan saraakiisha darajooyinka hoose, balse ay sii hayn doonaan kuwa darajooyinka sare.

Sida ku cad Xeerka Geneva, maxaabiista dagaalka waa in la siiyaa cunno iyo dhar, lagana ilaaliyaa rabshadaha iyo cabsi gelinta. Illaa iyo hadda ma jiraan wax tilmaamo ah oo muujinaya in askarta laga qabsaday Ethiopia loola dhaqmay si xun.