Xog: Al-Shabab oo u yeeray macallimiinta dugsiyada ay maamusho DF Soomaaliya 

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Macalimiinta ka shaqeeya dugsiyada ay maamusho dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay la soo xiriireen dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana lagu amray in yimaadaan degaan ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Macalimiintaan oo aan qarinay magacyadooda iyo dugsiyada ay dhigaan, sababo amni awgood, ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, islamarkaana ay la wadaageen dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa ammaanka. 

Wararka ayaa sheegaya in macallimiinta loo fasaxay in ay la soo kulmi karaan Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan ka bixi doonaan Muqdisho balse Caasimada Online ma helin caddeymo muujinaya in ay u ogolaatay dowladda Soomaaliya. 

Ilo-wareedyo kala duwan oo bahda Waxbarashada iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in loo wacay barayaasha dowladda balse ma helin wararka kale ee aan ka soo xiganay macalimiinta qaarkood ee ah in hay’adaha ammaanka u fasaxeen la kulanka Al-Shabaab. 

“Waan u sheegnay in xaaladaas soo korartay waxaana ka siman dhammaan macalimiinta qaranka, markii ay garowsatay dowladda in aysan macalin kasta ilaalin karin waxay noo fasaxday inaa la soo kulano Al-Shabaab wixii aan kala soo kulanana aan soo gudbino haddiiba anagoo nool ka nimaano, macalimiinta qaarna waddanka waa ka baxeen qaarkoodna uma qorsheysna in ay aadaan,” ayuu yiri macallin katirsan barayaasha iskuulada dowladda oo la hadlay Caasimada Online. 

Badanaa Al-Shabaab waxay isku dayaan in ay la macaamilaan shaqaalaha dowladda, ciidamada, saraakiisha ciidanka iyo ganacstada ka hor inta aysan beegsan, waxaana qofkiiba Al-Shabaab kula heshiiyaan in uu bixiyo qeyb ka mid ah mushaharkiisa bil walba.