Xog ku saabsan dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda

Muqdisho (Caasimada Online)- Faah-faahino ayaa laga helayaa dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dilalkaan mas’uuliyadooda waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana loo geystay askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay maanta degmada Kaaraan ku dileen Shariif Muxudiin oo ahaa askari ka tirsanaa ciidanka minishiibiyada ee dowladda Soomaaliya canshuuraha uga uruuriya guryaha, kaas oo dableydii dishay ay horay u sii qaateen qorigiisii.

Dhanka kale askari ay tilmaameen inuu ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayey kooxdani sheegatay inay ku dishay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in askariga ay ku dileen Ceelasha Biyaha uu ka tirsanaa qeybta dharcadda ee loo yaqaano ilaalada shacabka.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan dhankooda wax war ah kasoo saarin dilalkaan.

Todobaadyadii u dambeeyey waxaa batay weerarrada tooska ah, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay fulineyso kooxda Al-Shabaab, waxayna shalay oo u dambeysay qarax ismiidaamin ah ka fulisay gudaha caasimadda Muqdisho, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 10 qof oo askar u badan iyo dhaawaca tiro kale.