Xog: Villa Somalia oo si farsameysan u baajisay safar Deni ku tagi lahaa Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa baaqday safar la qorsheenayey inuu madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku tago Magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Safarka uu Deni ku tagi lahaa Magaalada Baydhabo ayaa waxaa isla go’aamiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo midka Puntland Saciid Deni, balse waxaa safarkaas loo baajiyey si farsameysan, sida aan xogta ku helnay.

Waxaa la qorsheenayey in Deni uu tago Magaalada Baydhabo 30 June saacadda markay tahay 5 Galabnimo, waxaana lagu ballamay in Lafta Gareen uu Baydhabo kaga sii hormaro si uu halkaas ugu soo dhaweeyo, balse markii uu Lafta Gareen gaaray Baydhabo ayaa waxaa Deni loo sheegay inuusan imaan karin Baydhaba sababo la xiriira in Garoonka Shaaati Gaduud uusan shaqeyn Galabtii maadaama lagu wado howlo ballaarin ah.

Saciid Deni oo aan horey loola wadaagin in garoonka Shaati Gaduud uusan shaqeyn gelinka dambe ayaa iska dhaafay safarkii uu ku tagi lahaa Baydhabo, wuxuuna u soclaaday Magaalada Kismaayo oo aheyd magaalada Labaad oo uu qorsheeyey inuu safar ku tago.

Qorshaha lagu baajiyey safarka Deni ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka shaqeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka war helay safarka Deni oo la xiriira olole dhanka doorashada ah, maadaama ay jiraan warar soo baxayo oo sheegayo in Saciid Deni uu isku sharaxi doono xilka madaxweynino ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laft Gareen oo ku dhiiran waayey inuu si toos ah ugu sheego Deni inuusan imaan karin Baydhaba ayaa u adeegsaday qaab farsamo ah, waxayna xogta hoose sheegeysaa in Saciid Deni uu ogyahay sababta loogu diiday Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u diyaar garoobayo socdaal uu dibadda ugu socdo, taasoo haddana laga cabsi qabo inay meesha ka saarto suuragalnimada abaabulka safar kale oo Deni dadaal ugu jiro inuu ku tago Baydhaba .

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo warinayaa inuu isku sharixi doono xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya, wuxuuna durba wajahaya loolan siyaasadeed oo uga imaanayo Villa Soomaaliya.