Sawirro: Ugandha oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ay u diyaarisay Muqdisho iyo Afgooye

Kampala (Caasimada Online)-Saraakiisha Tababarada Millitariga dalka Ugandha ayaa soo gabagabeeyay tababar lasiinayey Ciidamo gaaraya 1.845 askari oo lagu kabi doono kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Ciidamadaani ayaa isugu jira kuwo cusub oo dhawaan la qaatay iyo kuwo hore oo dib loogu celiyay tababarka waxaana lagu wadaa inay si dhow ula shaqeeyan Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Wasaarada Gaashandhiga Ugandha ayaa sheegtay in qorshaha muuqda uu yahay in Ciidamadan ay xoojiyaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Sidoo kale, General David Muhoozi oo khudbad u jeediyay Ciidamada Tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in Ciidamada cusub ee la geynaayo Somalia looga baahan yahay inay dhawraan Xaquuqul Insaanka iyo sumcada dalka Ugandha inta ay gudanayaan hawlgalkooda Somalia.

”Barta oo fahma dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka, illaaliya xaquuqda shacabka. Si wanaagsana ula dhaqma idinkoo aan awood adeegsan”ayuu yiri Taliyahooda General Muhoozi.

Golaha Amaanka ee QM ayaa hawlgalka AMISOM ansixiyey inuu socdo illaa sanadka soo socda ee 2018, walow la filayo in markale wakhtiga joogitaankooda Soomaaliya loo kordhiyo.