Dhageyso: Galmudug oo weerar kulul ku qaaday DF iyo xiisadda labada dhinac oo kasii dareysa

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in uu fara gelin toos ah ku hayo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo dhowaan lagu wado in ay dhacdo.

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Socdaal) ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay fara gelin toos ah ku heyso Doorashada Madaxweynaha, taasina aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

Sidoo kale Wasiir (Socdaal) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay aqoonsan yihiin, ayna hoostagaan, balse loo baahan yahay Doorashada Madaxweynaha Galmudug in loo madax banaaneeyo shacabka.

Waxa uu sheegay Dowlad Goboleedka Galmudug in uu hada ku jiro marxalad adag, taasina ay u baahan tahay dulqaad iyo samir, si looga baxo, maadaama Galmudug ay ka jiraan Abaaro, sidoo kalena ay u diyaar garoobeyso Doorasho.

Maanta Magaalada Cadaado waxaa la filayay in u tago Wasiirka Arrimaha Gugaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) si uu ula socda arrimaha Doorashada Madaxweynaha Galmudug, balse waa uu baaqday.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 10-ka Bishan, sida ay horey u sheegeen Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana hada socda diyaar garow ku aadan Doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre (Xasan Bile) ayaa horey Baarlamaanka Maamulka Galmudug uga dalbaday in Doorashada dib loo dhigo mudo 45 maalmood, si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah, inkastoo arrintaasi Baarlamaanka ay ka soo horjeesteen.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com