Sawirro: UK oo ballan qaad culus u sameysay K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa maamulka Koonfur Galbeed u ballan qaaday taageero ku aadan sidii la’isugu furi lahaa waddada isku xirta Muqdisho & Baydhabo.

Kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Baydhabo, islamarkaana ay ka qeyb-galeen saraakiil ka kala socotay qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, daraawiishta K/ Galbeed, wasiirada arrimaha gudaha maamulkaasi iyo xubno ka socday safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka.

Ugu horreyn kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii la’isugu furi lahaa deegaanada go’doonsan iyo jidadka ay jareen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo ka warbixiyey kulankaasi ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu dhowaaqi doono howl-galladaasi oo ay muhiimadoodu tahay, sidii Shabaab looga saari lahaa degaanada ay go’doomiyeen.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda UK ay ballan qaaday inay ka gacan siin doonto sidii Al-Shabaab looga saari halkaasi.

“Safaaradda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Arrimaha Koofur Galbeed ka gacansiineysa bixinta waxyaaha lagu suuragelin karo xasiloonida, halka Ciidamada qaybta 60-aad ee Xoogga dalka ay mas’uuliyad iska saareen sugidda amniga, qorshaha socda waa in Daynuunay & Baydhabo nabad la isaga kala gudbo, waxaana xiga Muqdisho & Baydhabo,” ayuu yiri wasiir Maxamed Abuukar Cabdi.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyaga oo ka fuliyo qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.