ABGAAL xal ma u waayeen gumaadka socda ee u horseedaya sumcad dilka?

Sanadkaan 2020-ka oo kaliya gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka dhacay afar kiis oo dil ah oo aad u xanuun badan islamarkaana quluubta shacabka Soomaaliyeed ku reebay murugo badan oo ma-hadho ah.

Falkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay degaanka Golaleey oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe, kadib markii lagu dilay 8 dhaqtar oo ku sugnaa xarun hooyada iyo dhallaanka ah oo ku taala degaankaas.

Maalmo qeylo dhaan ah iyo hadal heyn badan kadib, waxaa loo saaray guddi, iyadoo ugu dambeynna ay ku dhamaatay Afdaboolan DAHAB ama aamusanaan. Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in si hoose oo qabiilaysan loo xaliyay.

Maalmo kadib, degaan ku yaallo dhulka xeebta ah ee gobalka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay nin waayeel ah oo jira 95 sano, waxaana loo dilay aano qabiil, taas isla maalmo kadib sababtay dil kale oo aargudasho ah.

Falkii 3-aad oo kamid kuwii ugu xanuunka badnaa ayaa ka dhacay degmada Raage-ceelle ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uuna ahaa dil wadareedkii loo geestay 7 Macalim oo u fadhiyay SUBAC. Arrintaas ayaa sidoo kale sababtay qeylo dhaan badan waxaana ilaa hadda xiran odayaal dhaqan oo ku eedeysan ku lug lahaanshiyaha falkaas ama abaabulkiisa.

Kii ugu dambeeyay ayaa habeen hore ka dhacay degaan 10 KM u jira degmada Warsheekh ee gobalka Shabeellada Dhexe waxaana xasuuq argagax leh loo geestay Hooyo umul ah, canugii ay dhashay oo maalmo jira iyo wiil 3 sano jir ah oo ay dhashay hooyada.

Arimahaan oo dhan ayaa ah falal salka ku haayo aanooyin qabiil ilaa hadana ma jirto cid wax ka qabatay, iyadoo lagu eedeeyay maamulkii gobalka kan dowlad gobaleedka iyo dowladda dhexe in ay ka gaabiyeen dhibaatooyinkaan.

Sidoo kale, Beesha Abgaal oo dhammaan dadka is-dilaya ay ka dhasheen, oo leh siyaasiyiin, mas’uuliyiin dowaldeed, aqoonyahano, culimo iyo waxgarad kale maxay arrimahan si dhab ah ugu raadin la’dahay xal waara?

Falalkan waxay dhaawac xooggan ku yihiin magaca iyo sumcadda beeshan oo Soomaali oo idil isku raacsan tahay inay tahay beel nabadda jecel, soo dhoweyn iyo qadarin leh marka ay noqoto sida ay dadka kasoo jeeda qabaa’illada kale ula macaamilaan dadkeeda.