DF Soomaaliya oo saraakiil ciidan u dirtay KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur (Beeryare) ayaa shalay galab gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Taliyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay saraakiisha ciidanka Danab ee ka howlgala gobollada Jubbaland.

Taliyaha ururka 5-aad ee ciidanka Danab Carab Dheeg Axmed ayaa ka mid ahaa saraakiishii Kismaayo ku soo dhaweysay Taliyaha guud ee Danab iyo wafdiga la socday.

Ujeedka safarka Taliyaha Danab ee deegaanada Jubbaland ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kormeer iyo dhiira-gelin loogu sameynayo ciidamada Danab ee ka howlgala gobollada Jubooyinka ee Jubbaland.

Taliyaha ayaa kormeeray saldhigyada Danab ee magaalada Kismaayo, isagoo khudbado dhiira-gelin ah u jeediyey ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 5-aad ee ka howlgala Jubbaland.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu gaaro deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo ay ku suganyihiin qeybo ka tirsan ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab.

Waa markii ugu horeysay ee Taliye Beeryare uu gaaro deegaanada Jubbaland tan  iyo markii loo magacabay xilka Taliyaha guud ee Danab.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ururkooda 5-aad ayaa badanaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo meelo badan ay uga sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.