Sawirro: Sidee ayey maanta u dhacday xil wareejinta Wasaarada Dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxtooyada Somalia ayaa wali ku guda jirta gabagabeynta munaasabadaha ay xilalka kula kala wareegayaan Wasiirada cusub iyo kuwii hore ee lasoo shaqeeyay Xukuumadii hore ee uu Hogaaminaayay Cumar C/rashiid.

Wasiirada maanta xilalka la wareegay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Somalia C/raxmaan Xoosh Jibriil, waxa uuna xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradddaas Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’isul wasaare ku-xigeenka Somalia, Mas’uuliyiin, shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, ayaa munaasabada ka sheegay in Xoosh looga baahan yahay inuu iska adkeeyo howlaha laga doonaayo.

Waxa uu tilmaamay in Wasaaradu ay la kulmeyso dhibaatooyin farabadan, balse loo baahan yahay in la muujiyo dulqaad.

Wasiir Xoosh ayaa dhankiisa ka ballanqaaday in howsha uu u hayo Qaranka kasii wadi doono halka ay joogto.