Sawirro: Wafdi culus oo ka socda DF oo shir xasaasi ah uga qeyb-galay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi ka socday JFS oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda oo Xarunta Midowga Africa uga qeyb-galay shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayey hawl-galka ATMIS.

Wasiiru-dowlaha ahna ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeyb-galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia.

Wafdigan ayaa si buuxda uga qeyb-galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawl-galka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayey Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Warfaa, La-taliyaha amniga ee ra’iisal wasaaraha Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meel-marinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.

Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, islamarkaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka ATMIS.

Wasiir Cali Balcad oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha argagixisada, islamarkaana ay dowladda kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS, ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahad-celiyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xilligan Soomaaliya soo gaartay.