Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo iyo Villa Somalia oo shaacisay ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Kismaayo, madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), madaxweyne ku-xigeenada, xubnaha xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal kamid ah bulshada deegaanka.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayey Villa Somalia ku sheegtay mid ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka federaaleynta iyo u kuur-gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa madaxda dowlad-goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxa uu dhinacyadaasi ka dhageysan doona madaxweynuhu tallooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo ayaa imaanaya xilli uu hoos u dhacay abaabulkii dagaal iyo howl-galladii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, uuna weli soo idlaan wejiga hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo maamulka Puntland iyo madaxdii hore ee dalka ka biyo diidan yihiin tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday baarlamaanka.