Sawirro: Wafti ka socda dalka Itoobiya oo gaaray Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa saaka gaaray wafdi culus oo ka socda dowladda Itoobiya, kaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey dhismaha xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, waxaana sidoo kale qeyb ka ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Mas’uuliyiintan ayaa soo dhoweyn, kadib kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo ka wada-hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan iskaashiga dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira xarig jarka Dekedda Berbera, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hrageysa.

Qaban qaabada munaasabadda daah-furka dekedda oo dib u habeyn lagu sameeyay ayaa haatan si weyn looga dareemayaa magaalada xeebeedka Berbera.

Itoobiya ayaa saami ku leh dekedda magaalada Berbera, sidoo kalena waxay kala soo degtaa badeeco kala duwan oo la geeyo dalkaasi.

Somaliland ayaa xiriir la-leh dowladda Itoobiya, walow muddooyinkii dambe uusan aheyn sidii hore, waxaana sameeyey isbaheysiga ay sameysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.