Sawirro: Wafdi sare oo ka socda Itoobiya oo maanta Hargeysa uga qeyb-galay…

Hargeysa (Caasimada Online) — Allaha u naxariistee waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee magaalada Hargeysa loogu sameeyey aas qaran madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Siilaanyo oo dhawaan geeriyooday.

Aaska Qaran ee loo sameeyey madaxweyne hore ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha wakiillada iyo guurtida, xildhibaanno, wasiirro iyo wufuud ka socotay Itoobiya iyo dalalka deriska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay aaska madaxda axsaabta Somaliland, siyaasiyiin, haldoor, culimo iyo dadweyne aad u tiro badan oo isaga kala yimi daafaha dunida iyo dalka gudihiisa, iyada oo halkaas laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka, laguna sharraxayo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa iyo waxqabadkii ballaadhnaa ee Somaliland ka hirgeliyey muddadii uu hoggaaminayey.

Madax kala duwan oo halkaas ka hadashay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuum Axmed Siilaanyo.

Waxay dhamaantood ka marag kaceen dedaalkii iyo naf-hurkii uu horumarka Somaliland ka geystay muddadii uu hoggaanka hayay Axmed Siilaanyo.

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federalka Ethiopia Aadan Faarax, xubinna uu ka yahay madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Cagjar ayaa ka qabgalay aska qaran ee madaxweyne hore ee Somaliland, waxana ay ku sifeeyey siyaasi iyo cabqari weyn oo geeska Afrika ka baxay.

Madaxweynihii Afraad ee Somaliland ayaa kamid ahaa tiirarkii ugu waaweynaa ee hoggaaminayey Somaliland, waxaana uu muddo ka badan toddoba sannadood ahaa madaxweynaha maamulka.

Siilaanyo ayaa intii uu talada hayay fuliyey waxqabad ballaaran oo gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ugu mudan taariikhdiisa muddadaas uu hoggaaminayey.