Sawirro: FIQI iyo MADAALE oo hortegay baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha maamulada goboladda iyo amniga ee Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa waxaa shir-guddoomiyey ku-simaha guddoomiyaha ahana guddoomiye ku-xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) iyo xoghayaha guddiga Xilldhibaan Maxamed Ibrahim Xasan (Diyeeshe).

Ajendaha kulanka ayaa ahaa laba qodob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ahaa;

  1. Wada-shaqeynta hey’addaha amniga
  2. Qorshaha amniga gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa guddiga warbixin guud ka siiyey amniga caasimada iyo wax ka qabashada ciyaal weerada.

Sidoo kale wuxuu uga warbixiyay halka uu marayo dagaalka mukhaadaraadka, ayada oo xubnaha guddiga ay mid mid u bogaadiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo shaqada adag uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga ayaa ugu mahad-celiyey guddoomiyaha gobolka iyo wasiirkaba in ay muhiim tahay wada-shaqeynta, isla-xisaabtanka iyo kor- joogteynta ka guddi ahaan.