Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.
Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah haweenka dalkaas ayaa wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyay ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.
Abaalmarintan ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahad-celisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.
“Wax weyn ayaa maanta dalkayga iyo dadkayga ku kordhay. Waan uga mahad-celinayaa ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti. Sidoo kale waxaan uga mahadcelinaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo aan hubo in ogolaanshihiisa la’aanteed abaalmarintaan qaran la bixiyeen.”
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maalmihii dambe howl shaqo u joogay dalka Jabuuti.