Sawirro: Wasiirka difaaca iyo taliyaha xoogga oo maanta ku biiray dagaalka aagga Baxdo

Baxdo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Cabdisaabir, Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanada xoogga ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee deegaanada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha xoogga ayaa safar uga baxay Dhuusamareeb, kadib markii ay ciidanku dib uga soo laabteen duulaankii Dhuusamareeb laga qaaday ee ku jaheystaan Ceelbuur.

Goobaha ay maanta tageen masuuliyiinta iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaanada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga.

Ciidamadaas ayaa dhawaan ka xoreeyay kooxda Al-Shabaab, waxaana deegaanadaas horay u joogay wasiir Al-Cadaala, Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, G/Sare Xasan Jaamici iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ayaa dadkii deegaanka ee maanta uu furimahaas ugu tagay wuxuu ka ballan-qaaday in ay si buuxda u garab is tagi doonaan.

Sidoo kale Jeneraal Odawaa ciidamada iyo shacabka deegaanadaas ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka argagixisada ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaanadaas, kuwa qaranka iyo kuwa Galmudug, sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Al-Shabaab-ka banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda.