Daawo: Dabageed oo ka jawaabay arrintii qabiilka la xiriirtay ee Faarax Macallin

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baarlamaanka dalka Kenya, aadna u falanqeeya siyaasadda Soomaaliya.

Faarax Macalin ayaa dhawaan sheegay in shacabka is abaabulay ee gobollada dalka ka dagaalamaya ay khatar ku yihiin mustaqbalka Soomaaliya, isagoo dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qabiilo hubeyneyso.

“Dhib weyn ayaa ka soo socda abaabulka ka socda Soomaaliya, cududa la abuurayo mid la maarey kari doono maaha, dagaaladii sokeeye ayaa soo laaba doona, dowladdu qabaa’ilka ayey hubeyneysaa, dowladdu arrintaan deg deg ha u joojiso oo ciidanka Soomaaliya hala xoojiyo, shisheeyaha dhan waa rabaa in qabaa’illada Soomaaliyeed la hubeeyo, si dalka loogu celiyo 91-kii, ninkaan qabiilka ah beri wuxuu dhihi doonaa anigaa dhulkeyga xoreystaye maxaad ii sheegeysaa?” ayuu yiri Faarax Macalin wareysigaan siiyey TV-ga Universal.

Yuusuf Dabageed ayaa shir jaraa’id qabtay, wuxuuna Xildhibaan Faarax Macalin ku tilmaamay nin siyaasadda Soomaaliya il-xun ku fiiriya, isagoo sheegay in Faarax uu weligiis suurad xumey jiray wax kasta oo dadka Soomaaliyeed ay guushooda u arkaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan hubeyn oo qori ama gaadiid dagaal aysan siin ciidamada abaabulan ee gobollada dalka ka xoreynaya Al-Shabaab.

Waxa kaliya ee dowladdu ay ku taageerto dadkaas ayuu ku tilmaamay rasaasta, maadaama ay dadku horay u hubeysnaayeen, hadana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab, isagoo aad ugu amaanay beelaha kacdoonka sameeyey go’ankooda geesinimada leh.

“Waan ognahay Shabaabku waa badan yahay, kuwo dowladda ku jira ayaa lasoo istaagay beelaha ayaa la hubeynaa, war dowladdu ma hubeyn cidna ee dadkaan ayagaa is abaabulay, war ninkii Shabaab la jirow naga dhex bax, iskuma sii eka karnee,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Wuxuu wacad ku maray in nin dambe oo Shabaab ah uusan ku sii dhex noolaa doonin dadka Soomaaliyeed, “Intii ilaahey ka hadashiiyey waan garanay, kuwa kalena waxaan leeyahay naga dhex baxa la safta oo aad Shabaabka aad qalbiga ka jeceshihiin,” ayuu Yuusuf Dabageed hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo