Waa kuwee xildhibaannada taagan jiida hore ee dagaalka lagu bixinayo Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda xilka timid ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay la kowsatay Al-Shabaab oo gowraceyso dad shacab ah, gubeysa magaalooyin oo duugeysa Ceelal.

Inta badan madaxweynaha iyo xukuumadda ayaa caan ku ahaa inay ka falceliyaan dagaalada Al-Shabaab laakiin xaalku sidaas hadda waa ka duwan yahay. Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qeyb ka noqday dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.

Amni darada waa dhibaatada ugu weyn ee taalla Soomaaliya, in baarlamaanka amniga iyo dib u xoreynta si ficil ah uga qeyb qaato waa arrin ugub ah, horey xildhibaanada waxay waqti badan gelin jireen inay xukuumadda ku eedeeyaan gaabiska amniga.

Dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa hadda jooga ama tagay furinta dagaalka taasoo xujeeneysa xildhibaanada kale ee baarlamaanka.

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxay badi dadka u yaqaaniin Taliye Shub. Wuxuu ka mid yahay baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, wuxuu banaanka u istaagay inuu ka qeyb qaato dagaalka Al-Shabaab looga saarayo dalka.

Xildhibaan Mahad wuxuu la socdaa ciidankii dhawaan qabsaday deegaanka Labaatan Jirow iyo deegaanada ku teedsan oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa ka mid ah xildhibaanada lagu arkay furimaha dagaalka, wuxuuna qeyb ka yahay howlgalka ka socdo gobolka Hiiraan.

Dhul badan oo kamid ah gobolka ayaa laga qabsaday Al-Shabaab. Xildhibaankan wuxuu dhowr jeer gudbiyey farriin uu kula hadlayo ciidanka dowladda iyo dadka laga dul qaaday Al-Shabaab. Maalik Cabdalla wuxuu ka tirsan yahay baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye wuxuu ku jiraa liiska xildhibaanada dhibaatada la qeybsanayo dadka ay matalaan oo ku jira xilli dagaal, waxaa lagu arkay furinta deegaanada Baxdo iyo Cadakibir, wuxuuna ka tirsan yahay baarlamaanka 11-aad.

Labada xildhibaan ee Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cumar Cabdi Cali ayaa kamid ah xildhibaanada lagu arkay furimaha dagaalka. Labadaan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaaka 11-aad waxaa lagu arkay aagga Ceela- helay ee gobolka Galgaduud, halkaas oo wararku sheegayaan inay ciidankii qaarkood dib uga soo laabteen.

Dad badan ayaa bogaadiyey inay xildhibaanada baarlamaanku tagaan furimaha dagaalka.

Haddaba maxay ka turjumeysaa inay xildhibaanada furinta joogaan?

Inay xildhibaanadu tagaan furimaha oo ay ku biiraan dagaalka waxay muujineysaa inuu baarlamaanka 11-aad ka macno badan yahay baarlamaanadii ka horreeyey.

Inay xilhibaanadu bilaabeen inay ka dhabeeyaan matalaadooda, in dadka dagaalka ku jira helaan niyad dhis ay kusii wadi karaan dagaalka, inay madaxda sare tagto furmaha dagaalka, xldhibaanada furinta taga oo xujeenayo kuwa ka dhuumanayo matalaada iyo dhab ahaanshaha kacdoonka ee siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka.