29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Sawirro: Wasiirradii ugu badnaa oo tegay Bakaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa wayn ee Bakaaraha, halkaas oo ay kula kulmeen dadweynaha iyo qaar kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa.

Wasiirrada maanta tegay Bakaaraha ayaa kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS, Xildhibaan Maxamed Xuseen (Gaaraxo) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Sidoo kale waxa ay kormeer ku tegeen xarunta degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixiyaasha doorashooyinka dalka, halkaas oo shacab badan oo horay isku diiwaan-geliyey ay ka qaadanayeen kaararkooda cod-bixinta.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa wasiirrada ku soo dhaweeyey xarunta degmada, waxayna kormeerkooda ku soo mareen waaxyaha kala duwan ee degmada iyo suuqa weyn ee Bakaaraha, iyagoo u kuur-geliya sida loogu diyaar garoobay doorashada.

Kormeer kadib, Wasiirrada ayaa bulshada ku nool degmada Howlwadaag, kula dardaarmay inay kaararkooda codbixinta qaataan, si 25-ka bishaan ay uga qeyb galaan doorashada Golaha Deegaanka ee Muqdisho ka dhaceysa.

Golaha wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka wada olole xoog leh oo bulshada loogu jiheynayo doorasho qof iyo cod ah, taas oo gobolka Banaadir ka bilaabaneysa 25-ka bishaan, sida uu caddeeyey Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Shalay ayaa sidaan oo kale qaar kamid ah golaha wasiirrada u tageen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sida Kaaraan iyo Hodan oo ay ka sameeyeen olole xooggan.

Si kastaba, caasimada ayaa waxaa haatan ka socda diyaar garow ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana ugu horreeya golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News