Sawirro: Weerar dhimasho leh oo xalay lagu qaaday Faransiiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaarahaani ayaa ka dhacay Magaalada Nice ee dalka Faransiiska, kadib markii Gaari xamuul ahaa lagu jiiray dad u dabaaldegayay munaasabadda Maalinta Bastille.

Saraakiisha Booliska dalka Faransa ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku geeriyooden ugu yaraan 80 ruux, halka dhaawacana uu gaaray 100 kale.

Dadka ku dhintay weerarka loo adeegsaday gaariga ayaa waxaa u badnaa Haween iyo Carruur ku howlanaa munaasabada, sidaa waxaa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalka Faransa Bernard Cazeneuve.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dalka Faransa Bernard Cazeneuve, waxa uu sidoo kale sheegay in gudaha Gaariga laga dhex helay Hub iyo waxyaabaha Qarxa, waxaana la doonayay sida uu sheegay in weerar xoogan lagu fulinayo.

Madaxweynaha Faransiiska François Hollande, oo ka hadlay weerarkaasi, ayaa durbaba ku sheegay weerar argagaxiso, iyadoona uu si kulul u cambaareeyay.

Madaxweynaha Faransiiska François Hollande waxaa uu ku dhawaaqay in saddex bilood oo dheeri ah uu dalkiisa ku sii jiri doono xaalad deg deg ah, islamarkaana ay kumanaan ka mid ah Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariguba ka qayb qaadanayan suggida ammaanka dalkaasi.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegeysa in warqado aqoonsi oo gaariga laga dhex helay ay muujinayaan in darawalka uu ahaa Faransiis asal ahaan Tunisia kasoo jeeda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
shil1

shil14

shil15

shil16

shil17

shil2

shil3

shil4

shil5

shil6

shil7

shil8

shil9

shil10

shil11

shil12

shil13

shil18

shil19

shil20