Xog: GUULEED oo Habar-Gidir u sheegay inay kala tageen Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo qeyb ka ahaa kulan aan caadi aheyn oo dhexmaray Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Habar-gidir ayaa xaqiijiyay inuu dhamaaday xiriirkii u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Ilo wareedka ayaa sheegay in hadalkaasi uu C/kariin Guuleed ka hor cadeeyay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Habar-gidir xili uu magaalada Muqdisho kulan uga socday.

C/kariin Guuleed ayaa Beesha Habar-Gidir ka dalbaday inaan mar kale wax laga su’aalin arrimaha Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu dhamaaday xiriirkii kala dhexeeyay Xassan.

Beesha Habar-gidir ayaa C/kariin Guuleed ku raacday go’aanka uu ku jaray xiriirkii kala dhexeeyay Xassan Sheekh waxa ayna ka dalbadeen inuusan kala shaqeyn howlaha la xiriira doorashada 2016-ka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Beesha habargidir ay isku tashanayso oo ay raadinayso in hal musharax ay isugu geeyaan awoodooda oo ay soo saaraan si uu u noqdo Madaxweynaha Somalia.

Beesha Habar-gidir ayaa magaalada Muqdisho ku leh kulamo is xigxiga oo ay kaga soo horjeedan dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Tallaabadaani ayaa u muuqaneysa mid ay oorta ku kala raranayaan Xassan Sheekh iyo Beesha Habar-gidir oo mudooyinkaani ahaa kuwo aad isugu dhawaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com