Xog: Xasan oo ku goodiyay in uu xirayo 2 Hotel oo Hawiye ay ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lasoo warinayaa in Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir inay albaabada u laaban Hoteel Makka Al-mukarama iyo Hayaat waa haddii lagu qabto kulan danbe oo u dhexeeya Beelaha Hawiye.

Amarkaani ayaa waxaa la sheegay inuu baxshay Madaxweyne Xassan kaasi oo fulintiisa ay leedahay Nabadsugida Gobolka Banaadir, waxa uuna ka digay in la qabto kulamo isaga looga soo horjeedo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale Taliyayaasha ciidamada Koofi casta ee ka howlgasha Madaxtooyada Somalia ku amray inaan fursad danbe aysan siin labadaasi Hoteel oo uu sheegay inay u nugul yihiin marxabeynta shirarka looga soo horjeeda dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu ka digay in indhaha laga fiirsado kulamada ka socda Hoteelada ee looga soo horjeeda hanaankiisa doorasho waxa uuna la socodka dhaqdhaqaaqyada ka socda Hoteelada u xilsaaray xubno ka tirsan Madaxtooyada iyo Saraakiil kuwaasi oo amar u qaba inay albaabada u laaban Hoteelada.

Sidoo kale, amarka Xassan Sheekh ayaa la sheegay inuu qabanaayo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beelaha Hawiye ee doonaaya inay qabtaan kulamada looga soo horjeedo Xassan Sheekh.

Amarka Xassan Sheekh ayaa u muuqanaaya mid uu kaga soo horjeedo aragtida Beelaha Hawiye ee ku aadan doorashada 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com