Sawirro: Ugandha oo ciidamo iyo gaadiid dagaal la gashay Juba

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ugandha ayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo farabadan u dirtay dalka Koonfurta Sudan oo ay ka socdaan colaado aad u xoogan oo u dhexeeya ciidamada Madaxweynaha South Sudan iyo ku-xigeenkiisa.

Gaadiidkaani dagaal oo kor u dhaafaya 50 gaari ayaa la sheegay inay soo samata bixinayaan kumanaan muwaadiniin u dhashay dalka Ugandha oo lagu dul dagaalamaayo.

Dowlada Ugandha waxa ay sheegtay in gudaha magaalada Jubba keliya ay ku sugan yihiin kumanaan kun oo ku go’doomay dagaalka.

Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka Ciidanka Militariga Uganda, ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in magaalada Jubba ay kala soo baxaan shacabkooda.

Ugandha
Ugandha

Ugandha2

Ugandha3

Ugandha4

Ugandha5

Ugandha6

Ugandha7