Sawirro: Xassan Sheekh oo bilaabay dalacsiinta ciidanka ka hor inta uusan xilka ka degin

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed xili uu ka qeybgalaayay Munaasabad lagu qabtay xarunta Gen. Kaahiye.

Saraakiishaani ayaa waxa uu muddo tababar uga socday Dugsiga General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho, waxaana la gudoonsiiyay darajada ciidan oo ay muteysteen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Saraakiishan ay noqonayaan kuwii ugu horeeyay ee ka qalinjabiya Dugsigan, maadaama ay Jaamiciyiin yihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tababar ufuray 200 oo ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya ciidanka Boliiska.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka furitaanka Tababarkan uu yahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Dalacsiin 1

Dalacsiin 2

Dalacsiin 3

Dalacsiin 4

Dalacsiin 5

Dalacsiin 6

Dalacsiin 7